KYLIAN Mbappe LOTTIN !!

 Xirfadlahan markay dunida sportska ku baraarugtay 2017-kii ku magacawday theirry henry-ga cusub.

Waa mid ku dhashay deegaan udhow Paris, France 20th Dec 1998.

Xirfadlahan waa mid kasoo jeeda qoys sports.

Mbappe kubada cagta wuxu ka bilaabay naadiga uu Bondy oo uu aabihiis maamuli jirey ka hor inta uusan ku biirin Clairefontaine academy taasoo ay kasoo baxeen xidigo waawayn oo caan ah , halkaas ayuu ka muujiyey bandhig aad uwanaagsan taasoo keentay inuu Soo jiito dhamaan kooxaha waawayn ee yurub balse markaas wuxu go'aansaday inuu sii joogo gudaha France wuxuuna ku biiray naadiga Monaco sanadkii 2013-kii, wuxuuna sidaas ku noqday xidigii ugu yaraa taariikhda ee uciyaara kooxdaasi monaco wuxuna kula guulaystay Hal ligue 1 ah

Sanadkii 2017-kii wuxu si amaah ah ugu biiray naadiga PSG ayagoo awood ulahaa inay gataan waxayna ku iibsadeen € 180 million , wuxuuna noqday midka ugu qaalisan xirfadlayaasha da'diisa ah.
Mawhibada Mbappe waxay keentay inay reer Algeria ay dalbadaan inuu matalo safkooda xulka balse wuxuu ka doorbiday inuu matalo France.

Ku biiristii Mbappe naadiga PSG waxay la yaab ku noqotay dad badan ka dib markii uu qarka usaarna inuu ku biiro naadiga Real Madrid waana mid uu xaqiijiyey madaxwaynaha imaarada Monaco.

Wuxuu ahaa mid kula guulaysta PSG 6-ligue 1 ah iyo 4-coupes de France ah.

Markuu jiray 18-jir ayuu ahaa mid la qaada koobka aduunka France, ahaaana koobkii 2-aad oo ay world cup ku guulaysato , wuxuuna sidaas ku burburiyey score-kii uyaalay Pele oo ahaa da'yarkii ugu horeeyey we world cup final ku guulaysta.

Ilaa iyo waagii uu bilaabay inuu kaga yaabsado kooxaha waawayn ee yurub hibadiisa, waxa indhaha ku hayey kooxo waaweyn oo Madrid ugu horayso inkastoo asaga Madrid ay tahay kooxdiisa riyada.

Riyadi Rumody Kylain

Hadaba mar dhaw ayuu ku dhawaaqay inay tahay " Riyo rumowday" iyadoo la xaqiijiyey udhaqaaqistiisa kooxda Real Madrid ee uu mudada dheer sugayey.

Mbappe, oo 25 jir ah, ayaa u dhaqaaqi doona garoonka Bernabeu Stadium heshiis shan sanno ah marka uu Paris St-Germain qandaraaskiisu dhacayo 30ka June.
Waxa uu heli doonaa 15m euros (£12.8m) xilli ciyaareedkii, iyo 150m euro (£128m) oo gunno saxiix ah oo uu ku bixin doono muddo shan sano ah, waxaana uu ilaalin doonaa boqolkiiba xuquuqdiisa sawirka.
"Qofna ma fahmi karo sida aan hadda ugu faraxsanahay!" Mbappe ayaa soo dhigay Instagram-ka.
"Riyo rumowday, aad ayaan ugu faraxsanahay oo aan ugu hanweynahay inaan ku biiro kooxda riyadeyda."
Waxa uu ku biiri doonaa kooxda Madrid ee ku cusub ku guuleysiga La Liga xilli ay  rikoorka ah ee 15-aad ee Yurub ka qaadeen guushii ay ka gaareen Borussia Dortmund finalkii Champions League.
Imaatinka Mbappe ee caasimada Spain ayay u badan tahay in ay soo jeedin doonto soo jeedinta waayaha cusub ee Galacticos ee kooxda iyada oo la filayo in uu ka garab ciyaaro weeraryahanada Brazil Vinicius Jr, Rodrygo iyo saxiixiisa cusub ee Endrick, iyo khadka dhexe ee England Jude Bellingham7.

Kylian Mbappe






Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Taarikhda Erling haaland Barcelona oo so ceerisay , Messi io Ronaldo ayuu shaashada ka qabsaday!

Shan sano ka hor maanto kale Mucjisadii habeenki Eureap ee Anfeild ka dhacday

Taarikhdi Nololedka Halyeeyga rer Argentina Ángel Di Maria