HOLCII BOQORADA YURUB ,HOOYADA KUBADA CAGTA CHAMPAHA YURUB CUPKII 15 AAD
Masraxyada Caalamiga ee yurub gaar ah masarxa Riyada ee Wembley Stadium, London; Fardooleyda cadaanka waxay so istagen goor hore waxyna diyaar u ahyen ine galan dagalki ugu sarayey li ajli jiritankoda.
Waa sheeko cishqi oo udhaxysa jamahirta io naadigooda qiso lagu wariyo ilmo io qayl dhaan , sheekoyin lagu qoro biyo dahaba oo diiwanka kubada cagta ah.
Waxa mida beyey Tarabuunla Wembley Cadaan iyo Jaale , Calamadu waxy dul babanayen samada sare Quluubtana cishqi ayey ugarac mayeen
Seeriga ciyarta aya la yeeri Dortmund waxy ku bilowday werar sida bahalada madow lkn darbiyda Madrid uu hogamunayo Hogaaniyo Courtois waxay ahayen kuwo kuga hooda ku tagna
Qeebti hore ciyarta waxa lagu kala tagay 0:0 , Qeebti Danbe Real Madrid aya garte Shabaqa Dortmund Sida Biriqdi ayuu uso cararay Carvaj kubad ka timid Kroos ayuu adaxa ku dhufty sas ayeyna hoganka ciyarta ku qabten Malaki, waxa sii siyaaday weraradi Real Vini waxa uu dhaliyey Goalki labad isga ku dhiftu Rasarti wiiqady Rajadi iyo Riyadi wiilashi Jaalaha sidaas ayana Real Logu Caleemo Saya Cupkoodi 15th ee Dhago weynaha Yurub.
XAQIIQOOYIN
Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Yurub markii 15-aad.
Los Blancos ayaa guul gaartay mid kasta oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ay ciyaartay finalka Champions League.
Kooxda reer Spain ayaan laga badinin 13-kii kulan ee ay ciyaartay tartanka champions League xilli ciyaareedkan (9 guul iyo 4 bar-baro). Tani waa markii ugu horeysay oo ay ku guuleystaan finalka Champions League iyagoo aan wax guuldaro ah la kulmin intii lagu jiray tartanka.
Madrid ayaa kaliya ku guuldareysatay in ay gool dhaliso mid ka mid ah 18-kii final ee European Cup/Champions League. Taasi waxay ahayd guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Liverpool 1981kii.
Madrid lagama dhalin wax ka badan hal gool mid ka mid ah 11kii final ee ugu dambeeyay ee European Cup/Champions League. Markii ugu dambeysay waxay aheyd guuldaradii 3-1 ay ka soo gaartay Inter 1964tii.
Dani Carvajal ayaa gool dhaliyay kaliya markii labaad ee Champions League (marxaladda group-yada ilaa finalka). Goolka kale ee uu dhaliyay 88-kii kulan ee hore waxa uu ahaa November 2015 markaas oo uu ka dhaliyay Shakhtar Donetsk.
Vinícius Júnior ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Brazil ah oo gool ka dhaliya laba final oo kala duwan oo European Cup/Champions League ah.
Luka Modrić iyo Dani Carvajal ayaa barbareeyay rekoodhkii Paco Gento iyaga oo u ciyaaray kooxdii ku guulaysatay lixdii final ee koobka Yurub/Champions League.
Carlo Ancelotti ayaa kor u qaaday tirada rikoorka ah ee ku guuleysiga Champions League isagoo tababare ah ilaa shan - labo ayuu ka badan yahay tababare kasta.
Real madrid Boqorada Yurub
ReplyDeleteHala Hala Madrid
ReplyDeleteBoqorada yurub iyo aduunka oo dhan
Kooxda aduunka.! Hala Madrid.🤍🫶
ReplyDeleteHala Madrid 🔥🤍
ReplyDeleteaad ban uga xumahy inay qaadi wayso bruzio dortumund hambalyo raaliYo 💔
ReplyDelete15 how its easy for them hhh
ReplyDelete